Somali | Af-Soomaali
Waa maxay iskiriingareynta naasku?
Iskiriingareynta naasku (mammogram) waa sawirka raajada naaska. Iskiriingareynta naaska waxay heli kartaa kansaro aad u yar in la arko ama dareemo. Dumar badan ayaa ka samatabaxa kansarka maanta mahad waxaa leh hore u ogaanshaha iyo daaweynta wanaagsan.
Khatar miyaan ku jiraa?
1 hal 7 dii dumar ah Victoria waxaa ku dhici doona kansarka naaska noloshooda.
Dumarka badidooda qaba kansarka naaska ma laha taariikh qoyseed ka cudurka.
Da’da ayaa ah qodobka khatarta ah ee ugu weyn qaadida kansarka naaska.
Miyaan u baahanahay iskiriingareynta naaska?
Hore u ogaanshuhu wuxuu badbaadiyaa nafo
Da’daadu ma tahay 50-74?
Waa in lagu iskiriingareeyaa labadii sanno ee kasta.
40-meeyo ama 75 ma ka weyn tahay?
La hadal dhakhtarkaaga oo ogow haddii iskiriingareynta naasku sax kuu tahay.
40 ma ka yar tahay?
Iskiriingareynta naasku wax ku ool uma laha dumarka ka hooseeya 40 ka sanno.
waa bilaash
waxaa bixiya dumar raajadda yaqaan
wuxuu qaataa qiyaastii 10 daqiiqo
waxaa laga helayaa rug caafimaad oo kuu dhow Victoria oo dhan
uma baahna inuu dhakhtarku ku soo gudbiyo
Ahow qof ka warqada naaska
Barro muuqaalka caadiga ah iyo dareenka naasahaaga. Arag dhakhtarkaaga haddii aad ogaatid isbedelo aan caadi ahayn.
Weydii dhakhtarkaaga wax ku saabsan khatarta kansarka naaska iyo baahida iskiriingareynta.
Oo ay maamulaan dumar, loona maamulo dumar
TTY 13 36 77 haddii aad dhib ka qabto haddalka ama maqalka
Download:
- Put your health first – Caafimaadkaaga u hormari
- Information sheet – Warqada macluumaadka BreastScreen
- Registration form – Foomka ka raali ahaanshaha & Diiwaangelinta